Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka hadlay Xaalada Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay Warar lagu baahiyay qaar kamid ah Warbaahinta oo lagu sheegay in Ciidamo katirsan Darawiishta Jubbaland ay ka goosteen qaybo kamid ah Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku
xigeenku wuxuu sheegay in Ciidamadaas ay tageen Magaalada Luuq oo ay joogaan
Ciidamo katirsan Darawiishta Jubbaland isla markana aanay wax dhibaato ah
halkaas ka jirin.

Wuxuu
Madaxweyne ku xigeenku sheegay in Dowlada Jubbaland ay gacanta ku hayso sidii
xaalada loo dajin lahaa isla markana ay wadaan dadaalo xal lagaga gaarayo arintan.

“Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal
ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu
yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka
tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxaa ay u tageen
ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka taaganna ma jiro, mar
walbana way dhacdaa in ciidan meel lagu ogaa ay si amar la’aan ah ama sabab la
xiriirta khilaaf dhex mara iyaga iyo madaxdooda uga tagaan xarumahoodii, marka
ma aha wax weyn ama sida ay idaacaduhu u dhigayaan, meel ay ka baxsadeen iyo
cid ay u baxsadeen midna ma jirto”, ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka
Jubbaland.

The post Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ka hadlay Xaalada Gobolka Gedo. appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now