WHO oo ka hadashay dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadihii qaybo dalka kamid ah saameeyay

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa baraha bulshada ku sheegtay in fatahaadihii dhowaan ka dhacay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ku dhinteen 25 qof, halka 47 kalena ay ku dhaawacmeen, xilli ay roobab culus ay ka da’ayaan meelo ka mid ah dalka.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in
roobab mahiigaan ah oo ka hooray dhowr qeybood oo ka mid ah Soomaaliya ay
barakiciyeen in kabadan 270,000 oo qof, iyadoo burburiyay hab nololeedkii dadka
iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee dalka.

Xaaladaha adag ee ka jirta qeybo ka mid ah goobaha ay
daadadku saameeyeen ayay sheegtay WHO in ay geeyeen qaddar yar oo Naf badbaadin
ah, balse uu jiro dedaallo lagu balaarinayo howlaha gargaarka.

Xafiiska Qaramada midoobay u qaabbilsan Isuduwidda
arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa dhowaan sheegay in kabadan 547,000 oo qof
in ay saameeyeen fatahaada dalka ka dhacay.

The post WHO oo ka hadashay dhibaatooyinkii ka dhashay fatahaadihii qaybo dalka kamid ah saameeyay appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now