Afmadow: Rag ka tisan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Jubbaland

Rag ka tirsan Malleeshiyaadka Argagixisada Al shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowlad goobleedka Jubbaland gaar ahaan qaybta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Geedi Maxamed Cali oo  muddo fara badan ka barbar dagaalamayay kooxda xaqjirka ah ee Al shabaab gaar ahaan kooxda jabhadaha ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidanka Jubbaland.

Sidoo kale Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo magaciisa afgarashadu ahaa (Iidle) ayaa isku soo dhiibay ciidanka ammaanka Jubbaland ee degmadda Af Madoow.

Saraakiisha Ammaanka degmada Afmadow ayaa warbaahinta
Jubbaland u xaqiijiyay ragaan isa soo dhiibay waxa ayna sheegeen in ay wateen
hubkii ay ku dagaalami jireen.

Isa soo dhiibitaanka Malleeshiyaadkaan ayaa yimaaday ka dib cadaadis xooggan oo soo food saaray iyo howl gallada ciidanka Jubbaland oo xoogeysay taas oo cabsi xooggan ku beertay maleeshiyaadka Alshabaab ee sida dhuumaaleysiga ugu sugan qayba ka mid ah deegaannada Jubbaland.

The post Afmadow: Rag ka tisan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Jubbaland appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now