Akhriso Warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee deegaanka Cabdalla Biroole

Deegaanka
Cabdalle Biroole oo qayaastii 55KM  dhanka galbeed kaga beegaan magaalada Kismaayo
ayaa ka mid ah goobaha ugu amniga wanaagsan deegaanada Jubbaland waxaana taas
suurta galiyay Ciidmada Jubbaland oo mar walba heegan ugu jira ilaalinta
shacabka iyo wada shaqayn ka dhaxaysa dadka degaanka iyo laamaha ammaanka.

JubbalandTV
ayaa u kuur galay xaalada amaan ee deegaanada galbeed ee Kismaayo gaar ahaan
Cabdalla Biroole oo ay amnigiisa gacanta ku hayaan ciidamada amaanka ee Jubbaland.

Si aan u ogaano xaaladda nabad galyo ee deegaanka ayaan abaaro 10 PM fiidnimo u soo baxaynay gudaha magaalada waxa aya indhaheenu qabanayeen isku socodka dadweyaha,ganacsiga iyo caweeska dhalinyarada oo si caadi ah u socda iydanooa aysan jirin wax  cabsi ah oo laga qabo dhanka amniga taasna waxay ku timid Iskaashiga mar walba ka dhaxeeya shacabka iyo ciidamada ammaanka sida uu ku waramayo gudomiyaha deegaanka Cabdalla Biroole Mahad Nuur Ibrahim.C

Ciidanka waa cududa uu ku faano dal walba,helidda nabad lagu kalsoonaan karo waxaa suuragaliya ciidanka awood iyo xirfad u saaxiib ah,intii aan ku guda jirnay howlaha shaqo ee hebeenimo waxaan la kulanay ciidanka daraawiishta Jubbaland oo howgal lagu xaajinayo amaanka ka wada deegaanka.

The post Akhriso Warbixin ku saabsan xaaladda ammaan ee deegaanka Cabdalla Biroole appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now