Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay Suuriya

Milateriga Turkiga ayaa billaabay duulaan dhulka ah oo uu ku beegsanayo waqooyiga Suuriya, saacado kadib markii ay diyaaradihiisa iyo madaafiicda goobta duqeeyeen deegaanno ay ka taliyaan xooggaga Kurdiyiinta.

Ciidamada Turkiga oo
kaashanaya jabhado Suuriyaan ah ayaa galay aagga “bariga webiga
Furaat” sida ay sheegeen saraakiil Turki ah.

Madaxweyne Rajab
Tayib Erdogan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan ay tahay samaynta “aag
ammaan ah” oo laga sifeeyay xooggaga Kurdiyiinta, deetana la dejin doono
qaxootiga Suuriya.

Xooggaga Kurdiyiinta
ee garabka u ahaa Maraykanka ayaa wacad ku maray inay iska caabin doonaan
duulaankaasi.

Duulaanka Turkiga
ayaa bilowday maalmo uun kadib markii uu madaxweyne Trump ciidanka Maraykanka
ka saaray deegaankaasi weerarku ka dhacay, taasoo u muuqatay inuu ogolaansho
siiyay xukuumadda Ankara.

Madaxweynaha
Maraykanka, Donald Trump ayaa dhaliilay weerarkaasi isagoo ku tilmaamay mid uu
ka dambeeyo feker xun.

Britain iyo
Faransiiska ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu kulan
degdeg ah ka sheego duulaanka, halka madaxa guddiga Yurub, Jean-Claude Juncker
uu ugu baaqay Turkiga inuu “hakiyo hawlgalka milateri”.

Xoghayaha guud ee
NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay in walaaca ammaan ee Turkigu muujiyay uu
yahay “mid sax ah” balse uu filayo in dalkaasi uu “is xakamayn
doon”.

Xooggaga Kurdiyiinta
ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan in ka badan 12,000 oo qof oo lagu tuhunsan
yahay inay ka tirsan yihiin ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ee laga
adkaaday. Maxaabiistaasi oo ku xiran 7 xabsi ayaa waxaa kamid ah 4,000 oo
shisheeye ah.

Laba kamid ah
xeryaha lagu hayo dadkaasi – Roj iyo Ceyn Cisa – ayna ku jiraan qoysaska ragga
la tuhunsan yahay ayaa ku yaal aagga ammaan ee uu Turkiga samayn rabo.

The post Ciidamada Turkiga oo gudaha u galay Suuriya appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now