Diyaar garowga Caleema saarka Madaxweyne Axmed oo meel gabo gabo ah maraya

Diyaar garawga xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa socota hadda.

Waxaa lagu wadaa goordhow in magaalada Kismaayo ee ay ka qabsoonto xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam taas oo ay ka soo qayb galayaan wafuud kala duwan oo iskugu jira Madaxweynayaal hore,Siyaasiyiin,qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada dalka iyo marti sharaf kale.

Wafuudan ayaa kala timid gudaha dalka iyo dibadiisa waxaana haatan garoonka Sayid Cabdille Xassan ee magaalada Kismaayo lagu sugayaa in ay soo caga dhigato diyaarad sidda Madax iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Soomaalida ee dalka Kenya kuwaas isla maanta qayb ka noqon doona martida ka qayb galaysa xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Amaanka Magaalada Kismayo ayaa aad loo adkeeyay gaar ahaan goobta ay ka dhacayso munaasabadda Caleema saarka.

Halkan kala soco waxii ka soo kordha.

The post Diyaar garowga Caleema saarka Madaxweyne Axmed oo meel gabo gabo ah maraya appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now