Diyaargarow ka socda Kismaayo iyo wafdi kala duwan oo la sugayo

Wafuud kala duwan oo maqaam sare ku leh hoggaanka iyo siyaasadda dalka ayaa ku soo qulqulaya magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan munaasabadda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Diyaar garow xoogan ayaa magaalada ka socda gaar ahaan garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan waxaana ay dowladda Hoose wadaa wacyigalin ku aadan soo celinta bilicda magaalada maadaama ay marti badan imanayso.

Waxaa la filayaa in goordhow uu soo gaaro magaalada Kismaayo Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxda ugu sareysa Jubbaland iyo shacab weyne ayaa ku sugan gudaha garooonka Sayid Maxamed Cabdille Xassan si ay u soo dhaweeyaan wafdiga kala duwan.

The post Diyaargarow ka socda Kismaayo iyo wafdi kala duwan oo la sugayo appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now