Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa Maanata waxaa soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo,iyadoona lagu soo dhaweeyay.

Maxamed Cali Houmad Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa goor dhow u ambabixi doonaan magaalada Baydhabo oo ay uga qeyb galayaan furitaanka Kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now