Guddoomiyaha gobolka Mudug oo beeniyay in DFS ay ciidamo ka qoratay deegaanno ka tirsan Mudug

Kadib markii Baraha bulshada lagu faafiyay warar
sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay Ciidamo ka qoratay deegaano ka
tirsan Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa arrintaas ka hadlay Maamulka
Gobolkaas.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo
warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in
dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka
Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiye Axmed in dadka wararka
beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, hayeeshee ay
arrintaas ku fashilmeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur ayuu tilmaamay
in wax xiriir ah  uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda
Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas
laga qoray.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa
uu Carabka ku dhuftay in dowladda Federaalka aysan Ciidamo ka qori Karin
deegaanada Gobolka ilaa iyo inta laga xalinayo Khilaafka u dhexeeya Puntland
iyo dowladda.

Si kastaba Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyo dowlad Goboleedka Puntland ee uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi
Deni ayaa haatan waxaa ka dhexeeya Khilaaf siyaasadeed.

The post Guddoomiyaha gobolka Mudug oo beeniyay in DFS ay ciidamo ka qoratay deegaanno ka tirsan Mudug appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now