Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte oo ka Hor imaaday Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeye iyo Xiisado ka Tagan Halkaas

Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan Cabdicasiis C/llaahi Cabdi (Duurow) ayaa ka hor yimid xilka qaadis uu ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Cabdicasiis (Duurow) ayaa
waxaa uu sheegay in aysan soo gaarin Wareegtada xilka looga qaaday,isla
markaana aysan jirin Madax soo wacday oo ku wargelisay in xilka qaadis lagu
sameeyay.

Sidoo kale Guddoomiyihii
Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee xilka qaadis lagu sameeyay ayaa waxaa
uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in Ciidamo isaga taageersan ay la
wareegeen Xarunta Degmada Buulo-burte.

Dhinaca kale xilka qaadista
Guddoomiyaha Buulo-burte iyo Duqa Magaalada ayaa salka ku heysa kadib markii ay
diideen in laga dhiso golaha deegaanka degmadaas iyagoo sheegay in marka hore
la dhiso golaha deegaanka degmada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Si kastaba Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Wasiir
Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Degmada
Buulo-burte iyo Duqa Magaalada,waxaana xilka Guddoomiyaha si KMG ah loogu
magacaabay Liibaan Cabdi Nuur oo ahaa Mas’uul ka tirsan Degmadaas.

The post Guddoomiyihii Degmada Buulo-burte oo ka Hor imaaday Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeye iyo Xiisado ka Tagan Halkaas appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now