Hab-raaca Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Lagu Dhawaaqay

Guddiga doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dawlad goboleedka
Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqay hab-raaca doorashada guddoomiyaha
baarlamanka.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in codsiga musharaxiinta u
tartameysa xilka guddoomiyaha baarlamaanka Puntland ay bilaabaneyso 10-ka bishan,
isla markaana ay ku egtahay 13-ka isla bishan.

Sidoo kale guddiga ayaa shaaciyay in doorashada guddoomiyaha
baarlamaanka dawlad goboleedka Puntland ay dhaceyso 14-ka Bishaan oo ku beegan
Khamiista soo socota.

The post Hab-raaca Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Lagu Dhawaaqay appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now