Iiraan iyo Turkiga oo heshiis gaaray

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka kala dhexeeya jamhuuriyadda Iiraan.

Kadib wada hadal khadka telefanka ah oo dhexmaray Recep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Iiraan Hassan Rouhani ayaa waxa ay isku raaceen xoojinta xiriirka walaalnimo iyo kan diblumaasiyadeed ee labada dhinac xilli Maraykanku sii xoojiyey cunaqabataynaha ka dhanka ah Iiraan.

Heshiiska Hogaamiyayaasha Turkiga iyo Iiraan ayaa u muuqda mid aan farxad galinin Maraykanka iyo xulafadiisa.

Dowladda Iiran ayaa waayadan danbe ballaarin u wada xiriirka ay la leedahay dowladaha Islaamka waxaana heshiis kan oo kale ah uu horey u dhex maray Imaaraadka carabta.

The post Iiraan iyo Turkiga oo heshiis gaaray appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now