Kismaayo: Ardey ka qalinjabisay sanad dugsiyeedka 2018/2019 oo u fariistay Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda

50 ka mid ah Ardeydii sanad dugsiyeedka 2018/2019 ka soo qalin jabisay Dugsiyada Sare ee Jubbaland ayaa maanta Jaamacadda Jubba ee magaalada Kismaayo waxa ay u fariisisay Imtixaan lagu ogaanayo heerka Aqoonta Ardeyga.

Ardeydaan maanta u fariisatay imtixaanka aqbalaadda
Jaamacadda Jubba ayaa ka soo qalin jabiyay dugsiyada Sare ee ku yaalla
degmooyinka Jubbaland gaar ahaan degmada Kismaayo.

Qaar ka mid ah Ardeydii imtixaanka gashay oo la hadlay Jubbaland TV ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka mid noqoshada ardeyda Jaamacadda Jubba ee magaalada Kismayo.

Cabdiraxmaan Aadan Xuseen maamulaha Jaamacada Jubba
ayaa shegay in Jaamacadda Jubba ay xilli walbo soo dhoweyneyso Ardayda ka qalin
jabineyso dugsiyada Sare ee  Jubbaland
iyo guud ahaan cid walbo oo Jecel Waxbarashada.

Jaamacada Jubba ayaa kamid ah Jaamacadaha ku yaalla
magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland .

The post Kismaayo: Ardey ka qalinjabisay sanad dugsiyeedka 2018/2019 oo u fariistay Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now