Kismaayo: Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo kulan u qabatay Ha’adaha samafalka

Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulan xog wareysi ah u qabatay qaar ka mid ah Hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gar-gaarka ee ka howl-gala deegaanada Jubbaland.

U jeedada kulanka ayaa ahaa sidii gar-gaar loo gaarsiin lahaa bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland iyo sidii si buuxda shaqada ay ugu soo laaban lahaayeen Hay’adihii ka howl gali jiray Jubbaland maadaama  ay hakad galeen muddadii ay socotay doorashada Jubbaland.

Kulanka waxaa daahfuray  Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ee Jubbaland Mudane  Aadan Aw Xirsi waxaana goob joog ahaa  qaar kamid ah Agaasimayaaasha Wasaaradaha Jubbaland.

kulankaan ayaa ahaa kulan joogta ah oo ay Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka caalamiga ah ee Jubbaland ay la qaadato Haya’daha gar-gaarka ee ka hawlgala Jubbaland Waxaana inta badan looga hadlaa qorshaha Mustaqbalka umadda Reer Jubbaland .

The post Kismaayo: Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland oo kulan u qabatay Ha’adaha samafalka appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now