Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Booqday Goobo ay Fatahaado Saameeyeen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka
Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laafta-gareen iyo wafdi uu
hogaaminaayo ayaa maanata gaaray degmada Bardaale oo ay dhawaan ka
dhaceen  fatahaado.

Madaxweynaha oo ay la socdaan wasiirro iyo xildhibaanno
ka tirsan maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Gabeed waxaa degmadaasi ku soo
dhaweeyay maamulka degmada Bardaale iyo shacabka ku dhaqan halkaasi.

Booqashada
Madaxweynaha Koonfur Galbeed  ayaa lala xiriiriyay u kuur galidda xaaladda
bini’aadanimo ee ka jirta degmadaas iyo halka ay marayaan dadaalada gurmadka
loogu jiro samatabixinta dadka ay saameyeen daadadka ka dhashay fatahaaddan.

The post Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Booqday Goobo ay Fatahaado Saameeyeen appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now