Magaalada Baydhabo oo laga mamnuucay in hubka lagu dhaxqaato

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa amar ku bixiyay in aan wax hub ah lagu dhax qaadan karin magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ciidamada laga doonayo in ay tagaan saldhigyada ay ku leeyihiin Magaalada iyo xarumaha u gaar ah ciidamada.

Madaxweynaha oo ka hadlay dilkii maalintii shalay ka dhacay duleedka Baydhabo ayaa laamaha ammaanka ku amray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo qabto kuwii ka danbeeyay.

Laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo ka bilaabay howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka waxaana wali socda baaritaan lagu samaynayo falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Baydhabo.

The post Magaalada Baydhabo oo laga mamnuucay in hubka lagu dhaxqaato appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now