Muhaajiriin ku dhintay doon ku degtay meel u dhow Lampedusa

Ugu yaraan sagaal qof ayaa
geeriyootay kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel u
dhow jasiiradda Lampedusa, sida ay maanta sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha
ee Talyaaniga.

Inta la xaqiijiyay 22 qof oo kale ayaa badda laga soo bad-baadiyey.

Doontan siday muhaajiriinta
ayaa rogmatay ayada oo doon ay leeyihiin ilaalada ay isku dayeysay inay
muhaajiriinta kasoo qaado meel badda ah oo 10 km u jirta Lampedusa, sida lagu
sheegay bayaan kasoo baxay Ilaada Xeebaha.

Doomo iyo diyaarado qumaati u
kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Ilaada Xeebaha Talyaaniga ayaa weli raadinaya
dad la la’yahay.

Warbixino laga soo xigtay
mas’uuliyiinta Sicily oo ay soo waceen muhaajiriinta ayaa sheegaya in qiyaastii
in ka badan 50 qof ay saarnaayeen doonta.

Ururo aan dowli ahayn ayaa
sheegay in ku dhowaad 30 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan sideed caruur ay
suurta-gal tahay in la la’yahay.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR ayaa sheegtay
in in ka badan 1,000 muhaajiriin ah ay illaa iyo hadda sanadkan dhinteen, ayaga
oo ka isku dayaya inay badda Meditareeniyaanka uga gudbaan Yurub.

The post Muhaajiriin ku dhintay doon ku degtay meel u dhow Lampedusa appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now