Sababta ay Soomaalida Kenya Uga Biyo-diidantahay Natiijada Tirakoobkii Dalkaas Lagu Qabtay

Dalka Kenya waxaa la soo saaray dhawaan natiijada tirakoobkii
dalkaasi laga sameeyay,waxaana arrintan ka dhashay muran iyada oo ay jiraan
qaar ka mid ah qoomiyadaha oo dareemaya in natiijada ay tahay mid aan sax ahay
islamarkana aanay xaq ahayn.

Sida
ku cad natiijada tirakoobka waxaa dalka Kenya imika ku nool shacab gaaraya 47.6
milyan , taasi oo micnaheedo tahay in tan iyo 2009-kii ay tirada ku darsantay 9
milyan.

Balse
qaar ka mid ah gobolada ayaa waxaa hoos u sii dhacday tirada dadka ku noolaa.

Nitiijadan
ayaa waxaa ka dhalan kara muran, sababtoo ah tirada shacabka ku nool gobolada
kala duwan ayaa ah mid muhim u ah dhaqaalaha ay dowladda ka helayaan .

Bulshada
Kenya ayaa ka kooban qowmiyado kala duwan taasi oo sidoo kale ku qotanta
xisbiyada siyaasada ku tartama.

Dowladda
wali ma aysan soo saarin dhammaan macluumaadka qowmiyadaha la xiriira,balse
isbadalada tirada gobolada qaar ayaa waxaa durba ka dhashay muran.

Natiijada
ka soo baxda tirakoobka noocan ah ayaa wiiqi karta rabitaanka qaar ka mid ah
qowmiyada ee dhanka matalaadda iyo kheyraadka.

Mid
ka mid ah deegaanadasi waa gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi Bari ,waxay
natiijadu muujinaysaa in tirada shacabka ay hoos u dhacday taasi oo sababtay
inay su’aal ka keenaan hogaamiyayaasha deegaanadaas oo doonaya in dhaqaalihii
la siin jiray uu sidii hore sii ahaado.

Tirada
ayaa sidoo kale muujinaysa isu dheeli tirnaan la’aan dhanka jinsiyada ah taasi
oo ah in raggu ay ka badan yihiin haweenka.

“Macluumaadkan
la soo saaray toddobadkan waa been abuur mana aha mid ku qotama u
jeedooyiin,” ayuu yiri Adan Bare Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyada
baarlamaanka Kenya.

Waxaa
uu ku dooday in ragga Soomaalida ay guursadaan wax ka badan hal xaas
islamarkana la filayay in tirada dumarka ay aa u sareyso.

Waaxda
keydinta macluumaadka bulshada ee Kenya ayaa dhankooda difaacay sax ahanshiyaha
natiijada ka soo baxday tirakoobkii la sameeyay.

Qaar ka mid
ah dalalka caalamka ayaa ka gudbay in tirakoobka la sameeyo iyada oo warqado
iyo qalin la adeeegsanayo waxaana taa badalkeeda ay u gudbeen qaabka casriga ah
oo ay dadka macluumaadkooda ku buuxiyaan foomam internetka ah.

Dalka
Kenya ayaa waxaa tirakoobka fuliyaa saraakiil guri guri u booqanaya islamarkana
macluumaaka ka qoraya dadwaynaha.

In
macluumaadka la uruuriyo ayaa mararka qaar ah mid adag islamarkana
bulshooyiinka qaar ayaan dowladda ku aaminayn in ay siiyaan macluumaakooda
shiqsiga ah.

Natiijada ka
soo baxda tirakoobka ayaa saamayn ku yeelan karta muwaadiniinta dalka ku nool
guud ahaan.

The post Sababta ay Soomaalida Kenya Uga Biyo-diidantahay Natiijada Tirakoobkii Dalkaas Lagu Qabtay appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now