Shir looga hadlayo Mashruuca biyo galinta oo lagu qabtay Kismaayo

Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku  qabatay shir looga hadlayo qorshaha Mashruuca qabyada ah ee biya galinta magaalada Kismaayo.

Waxaa ka soo
qayb galay  Madaxwayne ku-xigeenka
koowaad ee Jubbaland, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda,
gudoomiyaha gobalka Jubbada Hoose, Runta ganacsiga, xubno mataliyey Wasaaradaha
Jubbaland iyo qaar kamid ah hay’adaha ka howlgala magaalada Kismaayo.

Wasaaradda
Biyaha Jubbaland ayaa intii shirku socday soo bandhigtay qorshaha biyaha looga
soo jiidayo deegaanka Yoontay ee uu maro wabiga Jubba halkaasi oo xilligii
dowladdii dhexe ay magaalada Kismaayo biyaha ka heli jirtay, waxaana wasaaraddu
sheegtay in qorshaha biyaha deegaanka yoontay oo soo maray heerarka kala duwan
uu hadda marayo wajiyadii ugu dambeeyey.

Goddoomiyaha
gobalka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cali Gooni iyo gudoomiyaha Runta Ganacsiga Jubbaland
oo shirka goobjoog ahaa ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in magaalada Kismaayo
hesho biyo nadiif ah oo qiimo jaban.

Madaxwayne
ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Siyid Aadan ayaa bogaadiyey dadaalka
ay wasaaraddu ku bixisay mashruucan bayo-galinta wabbiga Jubba kaasi oo
bulshada muhiim u ah.

The post Shir looga hadlayo Mashruuca biyo galinta oo lagu qabtay Kismaayo appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now