Tartanka Kubada Cagta Dugsiyada oo Kismaayo ka Soconaya

kulankii
labaad ee tartanka dugsiyada ayaa ka dhacay garoonka kubada cagta ee Waamo
waxaana kulankan fooda isku daray kooxaha kubada cagta dugsiga Barwaaqo iyo kooxda
kubada cagta dugsiga Kismaayo.

Labada
kooxod ayaa sameeyay dadaalo iyo fursado badan oo ay goolal ku radinayeen ha
yeshee qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ku dhamatay babbaro 2 gool ah oo ay labad
koxod is dhaafsadeen.

Markii
galinka labaad ee ciyaarta dib la isugu soo laabtay, waxay labada naadi sameyen
janisyo dheeri ah oo ay warero halis ah ku aburayeen.

Wakhtigii rasmiga
ahaa ee ciyaarta loogu tala galay ciyaarta ayay labada kooxood ku dhamaysteen
garbo siman oo min 2 gool ah waxuuna garsoorku go’aamiyay in gool ku laad loo gudbo
si loo kala saaro labada dhinac.

Ugu danbeyn, kooxdii matalaysay dugsiga Barwaaqo ayaa gool ku laadka kuso baxday oo guush la hoyatay. Tartanka ayaa noqonaya kii ugu xisaha badnaa la qabto madama ay kaso dhex muqanayaan da’yar la dareemayo in ay mustaqbal fican ku leeyihiin kubada cagta.

Kooxda kubada cagta dugsiga Barwaaqo
Kooxda kubada cagta dugsiga Kismaayo

The post Tartanka Kubada Cagta Dugsiyada oo Kismaayo ka Soconaya appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now