Tiktok oo dunida Walaac ku abuurtay

Warbaahinta casriga ee
ay bulshadu ku xariirto ayaa saamayn badan ku yeelatay qaabka ay dadku u kala
war-qaataan, arrintan ayaa ah mid walaac ku abuurtay waalidiinta iyo
sharci-dejiyayaasha caalamka.

Sababta walaacan
keentay ayaa ah qaabka fudud ee dhalinyaradu ay ugu xirmeen baraha xariirika bulshada.

Tiktok, ayaa ka
mid ah baraha xiriirka bulshada ee sida weyn ay u xiiseeyaan da’yarta caalamka,
waxaana wararku ay sheegayaan in barta TIKTOK oo laga leeyahay dalka Shiinaha
ay soo dejisteen Balaayiin dhalinyaro ah.

Sharcidejiyaayasha
Maraykanka ayaa walaac badan ka muujiyay saamaynta ay ku yeelan karto
nabadgaliyada iyo dimuqraadiyadda shacabka Maraykanka.

Dhalinyaradda
badan oo Soomaaliyeed ayaa si joogto ah u isticmaala Aalada TIK TOK , waxaana
ay soo galiyaan Muuqaallo.

The post Tiktok oo dunida Walaac ku abuurtay appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now