Wafdi iskugu jira Wasiiro,Xildhibaanno oo kormeer ku tagay Cabdalla Biroole

Wafdi iskugu
jira Wasiiro,Xildhibaano,Senatorro ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS
ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka
Cabdalla Biroole.

wafdigan ayaa ka
kobnaa Wasiirada Xanaanada Xoolaha  iyo
Cadaaladda Dowlad Goboleedka Jubbaland,Xildhibaanno ka socday Gollaha Wakiilada
Jubbaland iyo Senator Iftiin Xassan Baasto oo ka mid ah xubnaha Jubbaland ku
matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS.

Wafdigan oo sii
maray deegaanada u dhaxeeya Cabdalla Biroole Kismaayo ayaa markii ay gaareen
halkaasi waxa soo dhawaynta ka dib kulan la qaateen dadka degaanka iyagoo
halkaas kaga dhageystay cabashooyinka ay qabaan.

Wasaaradda
Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha Diinta Jubbaland ayaa wada qorshe ay
deegaanada Galbeed uga hirgalin lahayd adeegga garsoorka halka Wasaaradda
Xanaaada Xoolaha ay halkaas geysay Mashruuca daaweyta Xoolaha oo dhawaan laga
hirgaliyay Jubbaland.

Guddoomiyaha
Deegaanka Cabdalla Biroole  Mahad Nuur
Ibraahim  soo dhaweeyay Wafdiga ayaa wafdiga
uga warbixiyay xaaladda deegaanka.

The post Wafdi iskugu jira Wasiiro,Xildhibaanno oo kormeer ku tagay Cabdalla Biroole appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now