Xarun lagu dhaqan celiyo Haweenka ka soo baxa AL shabaab oo Kismaayo laga dhagax dhigay

Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda amniga Jubbaland,gudoomiyaha gobolka Jubadda Hoose iyo gudoomiye ku xigeenka degmadda Kismaayo ee dhanka amniga,ayaa maanta si wada jir ah waxa ay u dhagax dhigeen xarun lagu dhaqan celiyo haweenka iskood uga soo baxaaya Malleeshiyaadka Al-Shabaab  .

Xaruntaani ayaa waxa gacan ka geesanaya hirgalinteeda Wasaaradda amniga Jubbaland oo gacan ka helaysa  Hey’adaha IOM iyo GIZ.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Kismaayo  dhanka amniga iyo gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sharaxaad ka bixiyeen xaruntaani iyo waxa loogu tala galay iyagoona u mahadceliyay cid walboo gacan ka geysanaysa hirgalinteeda.

Agaasimaha Wasaaradda amniga Jubbaland Nuur Shaafi Cabdullaahi ayaa u mahdceliyay hey’adaha dhisaya xaruntaani dib loogu dhaqan celinaayo haweenka ka soo baxaya Alshabaab.

Sidoo kale xaruntaani kaliya ma ahee waxa jira xarun lagu
dhaqan celiyo raga kasoo baxaya Al-Shaabaab waxayna dhiiri galin buuxda u tahay
dhalinta Al-shabaab ay qaladay marki ay ka soo goosteen inay heli karaan goobo
dib wax loogu baro islamarkaasina ay ugu adegaaan dalkooda iyo dadkooda
dhaqanka suuban ee dawladnimada.

The post Xarun lagu dhaqan celiyo Haweenka ka soo baxa AL shabaab oo Kismaayo laga dhagax dhigay appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now