Xiisad colaadeed oo wali ka taagan gobolka Kashmiir

Dowladda Hindiya ayaa howlgallo kale oo militari kusoo rogtay gobolka Kashmiir xilli muslimiinta gobolkaas ay maalintii labaad u dabaaldeggayaan munaasabadda Ciidda Carafa.

Ciidamo badan ayaa ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda
u ah gobolkaas ee Srinagar,waxaana weli maqan isgaarsiinta magaaladaas in ka
badan muddo toddoobaad ah.

Kumanaan ka mid ah ciidammada Millitariga ee Hindiya ayaa
waxay howlgallo ka wadaan gobolka.

Howlgallada Hindiya ay ka waddo gobolka Kashmiir ayaa waxaa
ka dhashay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii ay gobolkaas kala noqotay
aqoonsigii gaarka ahaa ay u heysay Kashmiir, boqolaal qof ayaa la xiray oo ay
kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeedo halkaasi.

The post Xiisad colaadeed oo wali ka taagan gobolka Kashmiir appeared first on Jubbaland TV.

Source: Jubbaland

Call us now